Home Wararka Caalamka Ruushka oo amray in laga baxo magaalada Kherson

Ruushka oo amray in laga baxo magaalada Kherson

0

Ciidamada difaaca Ruushka ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine. Taas macnaheedu yahay in Ruushku ka tanaasulay magaaladii ugu waynayd ee ay qabsadeen.

Ma cadda in amarkan uu ka dhigan yahay in Ruushku uu gabi ahaanba isku dhiibay daanta galbeed ee wabiga Dnipro, ama in ay tahay arrin la xiriirta in la dhiibo magaalada Kherson.

TV-ga Ruushka ee NTV ayaa qoray in wasiirka difaaca Sergej Shoigu uu bixiyay amarka ah in ay ka baxaan wabiga.

Ukrain waxa ay duulaan ku qaaday gobolka Kherson muddo dhowr bilood ah, tan iyo dabayaaqadii bishii October, dadka magaalada ayaa lagu amray in ay isaga guuraan.

Magaaladan waxaa qabsaday Ruushka wax yar ka dib duulaankii Ukraine bishii Febraayo waxayna ahayd meesha kaliya ee Ruushku ku leeyahay daanta galbeed ee Dnipro.

Sida laga soo xigtay kanaalka mucaaradka Vot Tak , askarta ayaa laga saari doonaa mustaqbalka dhow.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here