Xogahayahii hore ee Arimaha Maaliyadda Britain ee horay looga adkaaday in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa loo doortay markaan inay noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi, iyada oo sidoo kale noqonayo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ee Conservative.
Rishi Sunak ayaa beddeli doona Ra’iisul Wasaaraha hore ee dalkaasi Horay u ahaan Xogahayahii hore Arimaha Dibadda ee Britain Liz Truss oo xilkaasi iska casilay bishaan an ku jirno kaidb fadeexooyin la xariira Dhanka Maaliyadda Dalkaas .
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa laga sugayaa in uu wax ka qato Arimaha murugsan ee Maaliyadda maadaama dalka Britain oo galay marxalad adag oo dhanka Maaliyadda ah
Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Britain Rishi Sunak ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaarahii ugu da,da yaraa ee Soomara Boqortooyada Uk ama Dalka Britain , Wax ka ogoow Taariikh nololeedkiisa:-
Da,da: 42
Meesha uu ku dhashay: Southampton
Meesha uu dagan yahay: London and Yorkshire
Waxbarashaa: Winchester College, Oxford University, Stanford University
Qoys ahaan: Married to businesswoman Akshata Murty with two daughters