Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Falka lagu gubay Quraanka Kariimka...

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Falka lagu gubay Quraanka Kariimka ee ka dhacay Safaarada Turkiga

0
Foto: Stefan Jerrevång / TT

Ra’iisul wasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson , ayaa cambaareeyay falkii shalay safaaradda Turkiga ee Stockholm loogu gubay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah oo uu sameeyay siyaasiga midig-fog ah, Rasmus Paludan.

Ulf ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray maanta oo Axad ah boggiisa Twitter-ka, kaas oo uu ku yidhi, “Xorriyada ra’yigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dimuqraadiyadda, laakiin waxa sharcigu maaha inay ku habboon yihiin.”

Waxa uu intaa ku daray, “Gubida buugaag dad badan u karaamaysan waa fal aad u fool xun. Waxaana rabaa inaan u muujiyo dareenkeyga dhammaan muslimiinta ka xumaaday wixii dhacay.

Rasmus ayaa shalay gubay Quraanka Kamiimka isagoo taageero ka helay Dowlada Sweden waxana arintaasi ka dhalatay Caro xoogan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here