Home News in English Raisal Wasaaraha Finland oo soo gaartay Sweden lana kulantay Magdalena Andersson

Raisal Wasaaraha Finland oo soo gaartay Sweden lana kulantay Magdalena Andersson

0
Foto: Paul Wennerholm / TT

Raiisel wasaare Magdalena Andersson ayaa sheegtay in aysan jirin wax khatar ah iyada oo tixraacaysa fursadaha lagu biirin karo NATO iyo in kale.

Andersson ayaa shir jaraa’id ku qabatay magaalada Stockholm dhigeeda dalka Finland Sana Marin. Waxa ay ku cel celisay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, isla markaana iskaashigoodu uu sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay.

“Xaaladda amnigu waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho Midowga Yurub iyo Finland,” ayay raacisay.

Wadahadallada u dhexeeya Andersson iyo Marin ayaa maanta diiradda lagu saaray sidii labada dal ay kor ugu qaadi lahaayeen ammaankooda, iyo sidoo kale mowduuca taageerada Ukraine.

“Waxaan haysanaa doorashooyin kala duwan, ma jiraan wax khatar ah,” Andersson ayaa sidaasi sheegtay

Marin ayaa sheegtay in go’aanka Finland ee xubinnimada NATO lagu gaari doono toddobaadyo gudahood. “Waxaan doorbidi lahaa inaan go’aanka qaadano isku mar, laakiin taasi waxay ku xiran tahay Sweden,” ayay raacisay. Magdalena Andersson ma aysan meesha ka saarin dhamaystirka falanqaynta amniga Sweden waqti hore.

Marin ayaa maanta xustay in dowladda Finland ay baarlamaanka horgeyn doonto falanqaynteeda siyaasadda amniga. “Waxaan falanqeyneynaa waxa dhici kara haddii Finland ay codsato xubinnimada NATO,” ayay tiri, iyadoo raacisay.

Andersson ayaa la waydiiyay in ay suurtagal tahay in Sweden ay ka baxdo isbaheysiga haddii Finland ay ku biirto , waxayna ku jawaabtay, “Waxaan wajahaynaa xaalad amni oo cusub. Waxaa jira khataro iyo fursado dhammaan xulashooyinka. Waa muhiim in aan falanqayno xaaladdan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here