Home News in English Nin Somali ah oo Fara Xumeeyay Gabar uu Adeer u yahay oo...

Nin Somali ah oo Fara Xumeeyay Gabar uu Adeer u yahay oo Xukun lagu riday

0

Maxkamad ku taalla magaalada Koblenz ee gobolka Rheinland-Pfalz ee Germany ayaa shalay waxay xukun ku riday nin Soomaali ah oo 28 sano jir.

Ninkaan ayaa waxaa lagu helay danbi ah inuu 5 mar oo kala duwan fara xumeeyay gabar uu Adeer (Waalid) u yahay oo 8 sano jir ah oo uu hooyadeed qabay.

Danbigaan ayaa waxa uu dhacay Xagaagii 2021, xukunkiisana shalay oo talaado ah ayuu dhacay.

Ninka waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo wixii qarash ah ee maxkamadda iyo kiiskaas dhan ku baxay.

Thomas Metzger oo madax u ah dhowr garsoore oo kiiska ku jiray ayaa waxa uu sheegay in sababta ninkaan arrintaan foosha xun ku kalliftay ay tahay, in isaga iyo xaaskiisa ay ilmo isku dhaleen, kedibna ku heshiiyeen muddo sanad ah inaysan isku tagin, sidaa daraadeedna uu ninka damaciisa foolxun kala kor dhacay gabadha yar ee uu adeerka u yahay oo markaasi 8 sano jir ahayd.

W/Q Ahmed Kadiye

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here