Home Wararka Maanta Raiisel wasaaraha Sweden oo ka hadlay Xaalada Falastiin iyo Israel u dhaxeysa

Raiisel wasaaraha Sweden oo ka hadlay Xaalada Falastiin iyo Israel u dhaxeysa

0
FOTO: JONAS EKSTRÖMER/TT

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan Gaza ee u dhaxeysa Dalalka Israel iyo Falastiin isagoo sheegay in uu arintaasi aad ugu murugeysan yahay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook maanta ayuu ku codsaday in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha soo noqnoqday.

Wuxuu yiri, “Waxaan cambaareynayaa rabshadaha aan kala sooca lahayn ee ay Xamaas iyo Israel ka wadaan Qaza kuna bartilmaameedsadeen magaalooyinka taas oo sababtay geerida dad badan. Dhanka kale, dhimashada ugu badan waxay ka dhacday Qaza, ka dib hawlgallada milatari ee Israa’iil. Waxaan dareemayaa rajo la’aan sababtoo ah inbadan oo kamid ah waa caruur. ”

Wuxuu intaas ku daray in dhacdo kale oo aan fiicnayn ay ahayd iska hor imaadyadii dhex maray kooxaha Carabta iyo Yuhuudda ee ka dhacay magaalooyin badan oo Israa’iil ka tirsan, sidoo kalena sababay dhimasho.

Sweden ayaa ah Dalalka laga taageeray Falastiin loogana soo horjeestay Dhibaatada Yuhuudu ka wado Halkaasi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here