Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo ilaalinaya Shaqaalaha

Dowlada Sweden oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo ilaalinaya Shaqaalaha

0

dowladda Sweden waxay soo bandhigtay sharci cusub, oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqaalaha, iyo dadka soo sheega xadgudubyada iyo takoorka ay kala kulmaan goobahooda shaqo.

” Shaqaaluhu waa inaysan baqin haddii ay gudbiyaan warbixinno iyo cabashooyin, waxayna ka dhawaajinayaan xadgudubka lagula kaco shaqada, ” ayay tiri wasiirka suuqa shaqada Eva Nordmark oo shir jaraa’id qabatay maanta .

Sharciga cusub ee qabyada ah ayaa ku saleysan codsi ka soo baxay Midowga Yurub oo la ansixiyay 2019, sharciga cusubna hadii la ansixiyo wuxuu badali doonaa sharciga hada jira.

Sida laga soo xigtay wasiir Nordmark, sharciga cusubi wuxuu ilaalinayaa si ka wanaagsan kuwii hore marka la eego goobta shaqada, kuwaas oo adeegsada warbaahinta si ay u daabacaan xadgudubyada iyo takoorka iyaga ka dhanka ah.

Sharciga cusubi ma khuseeyo shirkadaha iyo hay’adaha dowladda oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa ku jira shirkadaha gaarka loo leeyahay sidoo kale.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in looga baahan yahay shirkadaha leh in ka badan 50 shaqaale inay furaan wadiiqooyin gudaha ah iyo jawi nabdoon oo kuwa wax sheega si ay u ogaadaan xadgudubyada si nabadgelyo ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here