Home Wararka Caalamka Raiisel wasaaraha Armenia ” Xaalada Nagorno-Karabakh waxay ku xiran tahay go’anka Dowlada...

Raiisel wasaaraha Armenia ” Xaalada Nagorno-Karabakh waxay ku xiran tahay go’anka Dowlada Turkiga”

0

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sheegay talaadadii inuu rumeysan yahay kaliya isbadal ku yimaada mowqifka Turkiga ee Nagorno-Karabakh ay ku dhiiri galin karto Azerbaijan inay joojiso talaabada militari ee gobolka yar.

Laakiin, wareysigiisii ​​ugu horreeyay tan iyo markii xabad-joojinta la isku afgartay colaadda ka taagan Nagorno-Karabakh waxaa lagu heshiiyey magaalada Moscow Sabtidii, ma uusan bixin wax tilmaam ah inuu arkay calaamado muujinaya in Ankara ay beddeleyso mowqifkeeda.

Labada deris ayaa muddo tobanaan sano ah ku muransanaa muran ka dhashay Nagorno-Karabakh, oo ah deegaan ay ku abtirsadaan Armenia oo ka soo go’day Baku dagaalkii 1990-kii ee galaaftay nolosha 30,000 oo qof.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Sebtember 27, Turkiga wuxuu si xoog leh u taageeray Azerbaijan wuxuuna yidhi ciidamada Armenia waa inay ka baxaan xayndaabka, kaas oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan laakiin ay xukumaan oo ay deggan yihiin qowmiyadda Armenia.

Turkiga ayaa sheegay Talaadadii inay door ka ciyaaraan wadahadalada caalamiga ah ee khilaafka, heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Ruushka.

Isagoo ka hadlayay gurigiisa rasmiga ah ee Yerevan, Mr Pashinyan wuxuu ku eedeeyay Turkiga inay carqaladeyneyso xabad joojinta isla markaana ay isku dayayso inay awood u adegsato guud ahaan gobolka Koonfurta Caucasus si ay u sii wado waxa uu ugu yeeray hamigeeda ballaarinta

“Waxaan ku qanacsanahay in ilaa iyo inta mowqifka Turkiga uusan waxba iska badalin, Azerbaijan aysan joojin doonin dagaalka,” ayuu u sheegay Reuters.

Azerbaijan waxay sheegtay inay u furan tahay xabad joojinta ku meel gaarka ah ee bani’aadanimada ee lagu heshiiyey Moscow si la isku weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadkii lagu diley dagaalka, laakiin waxay ku eedeyneysaa ciidamada Armenia inay jabinayaan xabad-joojinta. Armenia way beenisay arrintaas.

Somaliska Ankara.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here