Home Wararka Caalamka Qof Toogasho lagu dilay Caasimada Stockholm, Dilkii Afaraad Mudo Shan Maalin Gudahood

Qof Toogasho lagu dilay Caasimada Stockholm, Dilkii Afaraad Mudo Shan Maalin Gudahood

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Afar qof ayaa lagu dilay koonfurta Stockholm shan maalmood gudahood.

Toogashada ugu danbeesay ayaa ka dhacday magaalada Flemingsberg gaar ahaan guri ku yaala dhismo dabaq ah.

– Waad baqaysaa, runtiina waad cabsanaysaa. Ma filayo in qof halkan seexday xalay, ayuu yidhi deris.

Booliska ayaa lagu wargeliyay rasaas ka dhacday guri ku yaal Flemingsberg ee degmada Huddinge saacadu markay ahayd 00:58. Goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxaa guriga laga helay meydka nin 30 jir ah.

– Guriga waxaa joogay dhowr qof. Mid ka mid ah ayaa ahaa ilmo sagaal jir ah, ayuu yiri Fredrik Nilsson, oo ah sarkaal bilays ah oo shaqada ku jira.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here