Home Wararka Maanta Qof lagu toogtay Xaafada Jakobsberg ee Waqooyi Galbeed ee Stockholm.

Qof lagu toogtay Xaafada Jakobsberg ee Waqooyi Galbeed ee Stockholm.

0

Wararka laga helayo xaafada Jakobsberg ee ka tirsan Kamuunka järfälla ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay Qof sida uu booliska ku helay digniin waxana qofka la toogtay loo qaaday dhanka isbitaalka.

Weerarka ayaa dhacay fiidnimadii Sabtida Waxana qofka rasaasta looga dhuftay lugta iyadoo xiliga la qaadayay uu ahaa qof hadli kara.

inkastoo aan qofna loo qaban hadana waxa weerarka loo qayaasayaa in uu ahaa mid loo qorsheeyay dil iyadoo goobta uu falka ka dhacay ay xireen booliska kuwaasi oo baaritaan ka wada.

” Waxaan shaqo ka wadnaa goobta si aan u helno goobjooge ” waxaa sidaas yiri Eva Nilsson oo ka tirsan Booliska Sweden.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here