Home Wararka Maanta Dalka Mareykanka oo bilaabaya dib u celinta Qaxootiga Dalkaasi ku sugan ee...

Dalka Mareykanka oo bilaabaya dib u celinta Qaxootiga Dalkaasi ku sugan ee kasoo jeeda Dalka.

0

Dowlada Dalka Mareykanka ayaa bilowday in ay dib u celiso qaxootiga dalkaasi ku sugan ee kasoo tagay bartamaha America isla markana qaab qaxooti ahaan kaga soo gudbay dhanka dalka Mexico iyadoo dadka la celinayo ay ku jiraan dad ku dhex jira kiiskooda magangalyo ee dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Dontland Trump ayaa 20 December ku dhawaaqay in dib loo celinayo qaxootiga dalkaasi ku gaaray sharci darada iyadoo arintaasi ay ku jirto qorshaha trump ee siyaasada dhanka qaxootiga.

ku dhawaad 20 ruux ayaa dib loogu celinayaa dhanka xaduuda mexico gaar ahaan gobolka Tijuana, oo markii hore dadkaasi kasoo gudbeen iyadoo dowlada Mexico gaar ahaan afayeenka wasaaradaha arimaha dibada Roberto Velasco ayaa warkaasi warbaahinta u xaqiijiyay.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here