Home Wararka Caalamka Qof lagu Dhaawacay Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

Qof lagu Dhaawacay Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Nin 30 jir ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ka dhacday degmada Vimanshäll ee Linköping. Dhaawaca ninkan ayaa loo qaaday isbitaalka, kaasoo aan ilaa hadda la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

“Waxaa nala soo xiriiray dad maqlay rasaasta ,” ayay tiri afhayeenka booliiska Monika Perstrom. Waxaan si degdeg ah ugu soo dhaqaaqnay goobta annagoo wata tiro badan oo booliis ah.” Sida laga soo xigtay SVT.

Booliiska ayaa dambiga u baaraya inuu yahay “isku day dil”. iyo in la raadiyo hal ama ka badan dambiilayaasha.

Booliiska ayaa warbixino helay sagaalkii habeenimo ee fiidkii xalay. Markii ay timid goobta, waxay ogaatay in qofka dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka.

“Ma cadda in isbitaalka lagu geeyey ambalaas ama baabuur rakaab,” Berstrom ayaa yidhi.

Booliska ayaa goobta xiray, waxaana ay garaaceen albaabada Xaafadaha u dhow iyagoo raadinayay xog.

Ilaa hadda ma cadda inta uu le’eg yahay dhaawaca ninkaasi. Booliisku waxay su’aalo weydiinayaan markhaatiyaasha sheegaya inay arkeen qaybo ka mid ah sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan ka shaqaynaynay kiiska tan iyo markii uu fal-dembiyeedku dhacay,” ayuu yiri Torbjorn Lindqvist, sarkaalka booliiska degmada bari ee masuulka ka ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here