Home Wararka Caalamka Meydka Nin Somali ah oo mudo lagu Waysanaa Dalka Canada oo la...

Meydka Nin Somali ah oo mudo lagu Waysanaa Dalka Canada oo la helay

0

Nin Soomaali ah oo la’aa tan iyo bilowgii bishii December ee sanadkii dhamaaday ayaa maydkiisa laga helay koonfurta magaalada Edmonton ee dalka Canada.

Booliska ee Edmonton oo tan iyo markii ninkan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Cali Xuseen Jibril u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Sida qaar ka mid ah qaraabadiisu sheegeen Cali Xuseen wuxuu ka tagay saddex caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada kunoolaa in ka badan 20 sano.

Weli ma cadda nooca dilkiisa iyo waxa ka danbeeya boolisku waxay sheegeen iney wadaan baaritaan arrintaas ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Marxuumka oo ka tirsanaa waxgaradka Soomaalida ku nool Canada ayaa la waayay kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa Bishii Disembar, waxaana markaa kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone uu lahaa.

Falkan ayaa noqday mid ku cusub soomaalida ku nool Edmonton iyo guud ahaan Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi, iyadoo tanina ay ku soo beegmeyso xili ay soo badanayaan dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here