Home Wararka Caalamka qof ku dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Stockholm

qof ku dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Stockholm

0
Foto Jessica Gow/TT
Ad

Nin ayaa ku dhaawacmay waxa lagu tilmaamay qarax xooggan oo habeenimadii Khamiista ka dhacay Hässelby waqooyi-galbeed ee Stockholm. Booliisku ayaa aaminsan inuu Xariir la leeyahay Dambiyada dhacaya.

Booliiska ayaa helay warbixin ku saabsan dhacdada abaare 1.30 habeenimadii Khamiista. Booliska ayaa sheegay inuu dhacay Qarax, isla markaana uu jiro burbur xooggan oo soo gaaray wajiga hore ee guriga.

AD

Nin ayaa cisbitaalka loogu qaaday diyaarad helicopter ah oo ambalaas ah. Wuu miyir qabay oo wuxuu la hadlay bilayska, ayay afhayeenka saxaafadda Carina Skagerlind u sheegtay TT.

Qiyaastii hal saac ka dib markii uu qaraxa dhacay ayaa booliska waxa ay heleen warbixin ku saabsan qarax kale oo ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaala Skarpnäck ee koonfurta Stockholm. Halkaa, waxyeelada waa mid fudud, mana jiro qof ku dhaawacmay.

AD
Previous articleAdeega Shirkada Tele 2 ee 4G oo Hakad ku yimid Maanta, Macaamiisha oo Loo bandhigay Qaabab kale oo Internet-ka ku Shaqeenayo
Next articleCaruurta Sweden ee Dibada Lagu Helayo oo lasoo bandhigay, Caruurtaasi oo Raali ka aheyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here