Home Wararka Caalamka Adeega Shirkada Tele 2 ee 4G oo Hakad ku yimid Maanta, Macaamiisha...

Adeega Shirkada Tele 2 ee 4G oo Hakad ku yimid Maanta, Macaamiisha oo Loo bandhigay Qaabab kale oo Internet-ka ku Shaqeenayo

0
Janerik Henriksson/TT

Adeegga 4G ee Tele2 ayaa maanta oo Arbaca ah hakad ku yimid, kaas oo joojiyay adeegyadii isgaarsiinta ee macaamiisha qaar.

Shirkaddu waxay sheegtay in khalkhalku uu saameeyay adeegga 4G oo keliya, isla markaana qaar ka mid ah macaamiisheeda Cilad kasoo Wajahday Internet-ka ama ay telefoonnada.

Shirkadda ayaa ugu baaqday macaamiisheeda ay dhibaato ka haysato dhanka isgaadhsiinta inay talefankooda ka beddelaan 4G iyo 2G, kuwaas oo si caadi ah u shaqaynaya.

Waxayna xaqiijisay inay ku hawlan tahay sidii loo hagaajin lahaa cillada jirta iyo sidii uu u soo celin lahaa adeeggii uu ahaan jiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here