Home News in English Qiso ku Saabsan Gabar 15 Sano Sharci la’an ku ah Sweden oo...

Qiso ku Saabsan Gabar 15 Sano Sharci la’an ku ah Sweden oo aan la Musaafurin karin

0

Warbixin ay maanta soo saartay warbaahinta ayaa iftiimisay qiso ku saabsan gabar Carab ah oo ku nool dalka Sweden muddo 15 sano ah.

Hadda waxaa soo food saartay dhibaato ah in ay heli weydo nambarka shaqsiga ah ama aqoonsiga marka ay gaarto 18 sano jir, sababo la xiriira go’aannada masaafurinta ee laga soo saaray qoyskeeda. Iyadoo Hay’adda Socdaalka aysan fulin karin masaafurinta, qoysku ma wadi karaan nolol caadi ah oo dalka ah inkastoo muddada dheer ku noolyihiin.

Dalal Mabsout waxa ay Sweden ku nooleyd 15 sano haatana waa 18 jir. Mudadii 15-ka sano ahayd ee ay iskuulka dhiganeysay waxay ku noolayd nolol caadi ah. Laakin marka ay xagaagan dugsiga sare ka dhameysato Lysekil, waxa ay la kulmeysaa dhibaato ah in aysan heysan nambarka gaarka ah, sidaa darteed ma baran karto, mana shaqeyn karto. Isla markaana maamulka Iswiidhan ma masaafurin karo. Sida laga soo xigtay SVT.

Qoyska Dalal ayaa sanadkii 2006 magangalyo ka helay dalka Sweden , sababo la xiriira dagaalka Lubnaan iyo Israa’iil oo socday muddo bil ka badan. Qoysku waxay ka kooban yihiin waalidkeed iyo shan walaalo ah.

Qoyskan ayaa helay afar go’aan oo masaafurinta ah, laakiin waxay doorteen inay Sweden sii joogaan, maamulka Sweden ma masaafurin karo, sababtoo ah safaaradda Lubnaan ma bixiso baasaboor ama dukumeenti socdaal haddii ay dhacdo in muwaadiniintu aysan rabin inay ku laabtaan.

“Sanadkaan waxaan ka qalin jebin doonaa dugsiga sare, balse ma sii wadan karo waxbarashadeyda, sababtoo ah ma bixin karo lacagta jaamacadda,” ayuu Dalal u sheegtay SVT.

Dalal waxa ay 18 jirsatay bishii Ogosto ee ina dhaaftay,waxana ay tan iyo wakhtigaas ku jirtay nolol adag oo ay rajaynayso in ay ilowdo,sababta oo ah ma sii wadan karto waxbarashadeeda,sidoo kalena ma heli karto shaqo.

“Waxaan u maleynayaa in waalidiinta oo dhan ay wax walba oo ay awoodaan u sameeyaan caruurtooda (…) Way i dhibeysaa inta saaxiibadood ee iskuulka ka cabanaya wax walba,” ayuu Dalal ku dartay. Waxaad mooddaa inaysan qaddarin waxay haystaan. Sababtoo ah waxay heli karaan shatiga darawalnimada, way safri karaan waxna way baran karaan, laakiin waxaa jira dad badan oo aan helin waxyaalahan.” “Waxaan waligey ku fikiri jiray in dhimashadu ay ka wanaagsan tahay 18 jirtan,” ayay tiri.

Dalal ayaa ku rigooneysa inay noqoto kalkaaliye qaybta kansarka. Waxay ku tababbartay intii ay wax ku baranaysay guriga kalkaalinta. Waxay heshay shaqo kadib tababarkeedii, laakiin waxay noqotay inay diido sababtoo ah ma haysato nambar shakhsi ah oo u oggolaanaya inay shaqeyso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here