Home Wararka Caalamka Qaxootiga Giriiga ku sugan oo Codsi u jeediyay beesha Caalamka

Qaxootiga Giriiga ku sugan oo Codsi u jeediyay beesha Caalamka

0

Xaalad adag ayaa heesata qaxootiga ku sugan Dalka Giriiga waxana ay hada bilaabeen in ay codsi u jeediyaan beesha caalamka bal in dib loo eego xaalada ay ku suganyihiin.

Qaxootiga ayaa marka ay gaareen Dalkaasi waxaa qaarkood lagu xiray kaam nuuca loo yaqaano ( Close Camp ) oo qofka ku sugan aysan u suura galenin in uu banaanka u baxo.

arintan ayaa timid kadb markii Qaxooti badan ay gaareen dalkaasi iyadoo dowlada Turkiga aysan waxba ka qaban sidii loo celin lahaa inta aysan kasoo tagin dalkaasi.

Dadka Qaxootiga ee dalkaasi ku sugan qaarkood ayaa u dhintay dawo la’an sida uu sheegayo mid kamid ah Qaxootiga halkaasi ku sugan.

wadamada Yurub qaarkood ayaa bilaabay in halkaasi kasoo qaataan Qaxooti inkastoo ay u badanyihiin Caruur.

Somaliska Athens

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here