Home Wararka Maanta Qaxooti laga soo qaadayo Giriiga oo gaaridoona Norway

Qaxooti laga soo qaadayo Giriiga oo gaaridoona Norway

0
Foto: AP Photo / Petros Giannakouris

Sida uu qoray wargayska VG, Giriiga ayaa xerada Moria ka soo xulay30 qof oo qoxooti ah kuwaas oo loo rari doono Norway.

“Waxaan helnay liis magac ah oo ka yimid Giriiga. Ilaa iyo hada kiiska wuxuu kujiraa gacanta dowlada Giriiga, anaguna waxaan ku riixnay in la cadeeyo, ”wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Guri Melby (V) ayaa u sheegay VG.

Agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee loo soo gaabiyo (UDI) ayaa hada sameyn doonta baaritaan iyo hubin aqoonsi ah.

Wasiirka wasaarada caruurta iyo qoysaska Kjell Ingolf Ropstad (kr. Wuxuu yidhi 30ka ugu horeeya waxay u badan tahay inay Norway soo galaan bisha Janaayo.

Dowlada Norway ayaa qeyb ka ah Wadamada Yurub ee balan-qaaday in Qaxootiga Xerada Maria ay qeyb ka qaadandoonaan.

Somaliska Oslo

Xigasho/VG

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here