Home News in English Qarax ka dhacay Magaalada Götenborg ee Sweden oo dad badan ku dhaawacmeen

Qarax ka dhacay Magaalada Götenborg ee Sweden oo dad badan ku dhaawacmeen

0
Foto: BJÖRN LARSSON ROSVALL/TT

 Dhowr qof ayaa la geeyay isbitaalka, oo ay ku jiraan 6 dhaawac halis ah, ka dib markii qarax saaka ka dhacay dhisme dabaq ah oo ku yaal aagga Annedal  ee magaalada Göteborg, galbeedka Sweden.

Sida laga soo xigtay adeegyada gurmadka, 23 qof ayaa la geeyay isbitaalka, oo 5 ka mid ah lagu qaaday ambalaas, halka 18 kalena lagu qaaday bas.

Isla markiiba boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay dhismaha, halka qaar badan oo ka mid ah dadka deganaa ay qasab ku noqotay inay daaqadaha ka boodaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka laga soo galo dhismaha, iyadoo aan weli la ogeyn waxa sababay, sida ay sheegeen gurmadka iyo booliska Sweden.

Sida uu baahiyay telefishinka Sweden, dadka ugu badan ee isbitaalka la geeyay waxaa loo tixgeliyay inay qabaan dhaawacyo fudud, laakiin qaarkood ayaa la sheegay inay xaaladoodu halis tahay.

Sarkaalka ka tirsan qeybta samatabixinta John Pyle ayaa sheegay in dab -demiska uu wali si xowli ah ku socdo iyadoo boolisku ay baaritaan gaar ah ka bilaabeen aagga.

Qaraxa ayaa saameeyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhaca

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here