Home News in English Cabdixamiid ” Hooyaday Waxay ku dhex dhimatay Taxi Dhexdiisa Markii ay Ambalaska...

Cabdixamiid ” Hooyaday Waxay ku dhex dhimatay Taxi Dhexdiisa Markii ay Ambalaska Waceen”

0
Foto: Ola Sandstig/Sveriges Radio/Izabelle Nordfjell/TT

Cabdi Xamiid ayaa ka hadlay sida ay hooyadii ku dhimatay mar uu u waramey Raadiyaha Dowalda qeybta P4.

Waxay aheyd dhacdo iyo kiis kale oo laga soo sheegay Dalsland oo ka tirsan Sweden halkaasi oo Hooyada Cabdi Xamiid ku dhimatay.

Waxa uu sheegay in Hooyadii ay Xanuunsatay isla markana uu wacay qeybta Ambalaaska si loogu yimaado loona qaado lakin waxay ku qaadatay mudo 5 saacadood ah sugitaanka ambalaska.

Sida uu wareysigiisa ku sheegay waxa uu go’an saday in uu ku qaado taksi si uu ugu geeyo isbitaalka.

inta uu ay ku jireen Wadada ayay hooyadii ku dhimatay gaariga taksiga dhexdiisa isagoo ka hadlay dhacdadan ayuu yiri. ” waan qali jabay ”

Dhacdadan ayaa dhacday Sanadkii hore bilowgiisa sida uu sheegay Cabdi Xamiid.

Dhacadan ayaana imaaneysa iyadoo mid kamid ah Culumada Gorenborg ay ku dhacday dhacdo lamid ah midan markaasi oo Corona xun dalka ka jiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here