Home Wararka Caalamka Qarax ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaal Märsta

Qarax ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaal Märsta

0
Johan Nilsson / TT

Albaabka laga soo galo guri dabaq ah oo ku yaala magaalada Märsta ayaa waxaa ku waxyeeloobay qarax wax yar ka hor saqdii dhexe ee Xalay oo jimco ah Sida uu sheegay Booliska Sigtuna.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo sheegaya in uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay Qaraxaasi oo laga maqlay qeybo kamid ah Nawaaxiga uu ka dhacay.

Goobta ayaa la go’doomiyay, waxaana la isugu yeeray kooxda bambooyinka qaranka. Dhacdadan ayaa la baarayaa in ay tahay mid ay dadka kasoo gaartay waxyeelo.

Sweden ayaa sanadkii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay Qaraxyo loo geestay xaafadaha qaar iyadoo ay ka dhasheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here