Home Wararka Caalamka Qarax ka dhacay Caasimada Copenhagen, Booliska oo ka warbixiyay

Qarax ka dhacay Caasimada Copenhagen, Booliska oo ka warbixiyay

0

Subixii hore ee sabtida, dadka ku nool Caasimada Copenhagen ayaa ku soo toosay jugta Qarax xoogan kaasi oo laga maqlay nawaaxiga halka uu ka dhacay

Qaraxa ayaa ka dhashay qarax ka dhacay guriga kooxda Rock Group Hells Angels ee Svanevej waxaana booliska ay la xiriirinayaan iskahorimaad u dhaxeeya labo koox oo halkaasi ka dhisan.

– Waanu ognahay inuu qarax dhacay, waxana aanu u malaynaynaa inuu xidhiidh la leeyahay khilaafka taagan, ayay tidhi taliyaha bilayska ee Kobanheegan, Trine Møller.

Kormeerayaasha booliska ayaa ku tilmaamay iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha gaangiska ah ee Hells Angels iyo Loyal to Familia, LTF, kaas oo dhacay xagaagii hore dhawr jeer.

– Maadaama uu jiro khilaaf socda, si dhab ah ayaan u eegeynaa, ayay tiri.

Qarax ka dhacay badhtamaha xarunta naadiga Hells Angels ayaa xaaladda sii kordhinaysa, ayay tidhi falanqeeyaha arrimaha sharciga ee DR Louise Dalsgaard.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here