Home Wararka Caalamka Putin oo sheegay in ciidamada dalkiisu ay ka fiican yihiin kuwa reer...

Putin oo sheegay in ciidamada dalkiisu ay ka fiican yihiin kuwa reer galbeedka

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Madaxweynaha Ruushka Volodymyr Putin ayaa sheegay in qaybo ka mid ah ciidamada Ruushka ay u baahan yihiin dib u habeyn dhab ah, kadib dhibaatooyinka soo ifbaxay dagaalka Ukraine awgii.

Putin ayaa ka sheegay kulanka wasaaradda gaashaandhigga in horumar lagu sameeyo nidaamka isgaarsiinta, difaaca hawada iyo adeegsiga sirdoonka.

Laakiin waxa uu ku adkaystay in shirkadaha Ruushku ay si degdeg ah uga falceliyeen colaadda marka loo eego dalalka reer galbeedka.

Isniintii, taliye u dhashay Ukraine ayaa qirtay in hawlgallada qaar loo dhimay, la’aanta gargaar shisheeye.

Xirmooyinka maalgelinta ee Kyiv oo ku kacaya tobanaan bilyan oo dollar ayaa ku hakaday Maraykanka iyo Midowga Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here