Home Wararka Maanta Oslo oo laga diiwaan galiyay 22 Kiis oo Corona ah

Oslo oo laga diiwaan galiyay 22 Kiis oo Corona ah

0

Guud ahaan 22 kiis oo cusub oo cudurka corona ayaa laga diiwaan galiyay Oslo 24-kii saac ee la soo dhaafay – waxay ka hooseeyaan celceliska toddobadii maalmood ee la soo dhaafay

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, celcelis ahaan 22 xaaladood oo infekshan ah ayaa la diiwaangeliyey maalintii.

Heerarka infekshanka ayaa ugu sarreeya degmada Nordstrand, iyadoo 76 qof oo cudurkaas qaba 100,000 kii qof ee deggenba labadii toddobaad ee ugu dambeysay. Nordstrand waxaa ku xiga degmooyinka Frogner (74) iyo St. Hanshaugen (67).

Degmada Alna ayaa hada leh heerka ugu hooseeya ee infekshinka, iyadoo 20 qof oo cudurkaan qaba 100,000kii qof ee ku nool labadii toddobaad ee ugu dambeysay

Wadar ahaan 37,641 muwaadiniin Oslo ah ayaa loo diiwaangaliyay inay kujireen cudurka coronavirus ilaa bishii Maarso ee sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here