Home Wararka Maanta Oslo: Hooyo lagu xukumay 21 Sano markii ay ceejis ku dishay labo...

Oslo: Hooyo lagu xukumay 21 Sano markii ay ceejis ku dishay labo Caruur ah ay dhashay

0

Xukun 21 sano ah ayaa lagu xukumay hooyo dhalinyaro ah oo dishay labo caruur ah ay dhashay iyadoo xukunka lagu gaaray Maxkamada Oslo ee Caasimada Norway.

Duleedka Caasimada Oslo gaar ahaan Kamuunka Lørenskogs ayuu falkaan ka dhacay iyadoo Hooyo ay u suura gashay dilka labo wiil oo ay dhashay kuwaasi oo da’dooda lagu sheegay 7 san ojir iyo 1 sano jir.

Maxkamada horteeda ayay ka sheegtay in aysan gareneenin xiliga uu falka dhacay lakin ayada iyo caruurteeda ay ku sugnaayeen guriga xililiga uu dhacay falka.

Qorshaha hooyada ayaa ahaa in marka hore ay dusha ka saarto dilka aabaha dhalay lakin baaritaan la sameeyay kadib waxaa lagu ogaaday in uu ahaa fal been abuur ah oo ay qorsheesay.

Aabaha oo marka hore la xiray ayaa markii danbe la siidaayay kadib markii la ogaaday falka sida uu u jiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here