Home Wararka Maanta Norway:- Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus iyo inta u dhimatay...

Norway:- Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus iyo inta u dhimatay oo lasoo bandhigay xili tirada ay korortay

0

Dowlada Noorway ayaa diiwaan galisay 3,845 xaaladood oo ah infekshan corona tirada dadka Noorway ee uu ku dhacay 264 kiis ayaa ku korortay kuwii hore.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la arkaayay in ay kordheen 480 kiis, sida ay muujinayaan tirokoobyo horudhac ah oo ka soo baxay Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Norwey

Labaatan dhimasho ayaa laga diiwan galiyay cudurka. Celcelis ahaan da’da qofka dhintay ayaa lagu sheegay 84 sano.

Wadarta 291 qof ayaa haatan lagu daweynayaa cisbitaalada sida Somaliska ay kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Dhammaan isbitaallada la seexiyay tan iyo markii uu fayraska ka dillaacay Norwey, 128 ayaa la dhigey daryeel caafimaad oo aad u weyn. Celceliska da’da bukaan jiif ee daryeelka degdegga ah ee cusbitaalka waa 59 sano. Boqolkiiba 76 ka mid ah waa rag.

Tan iyo March 27 keeda , 82,584 qof ayaa laga imtixaanay COVID-19, kuwaas oo ku dhawaad 4 boqolkiiba laga heley.

Tirooyinka waxaa laga soo qaatay Nidaamka Ogeysiinta Cudurrada Infekshinka (MSIS) waxayna muujinayaan dulmar guud.

Somaliska Oslo

Waxaa Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here