Home Wararka Maanta Migrationsverket oo war kasoo saaray Xaalada Codsiyada Qaxootiga iyo Dadka heesta ogolaanshaha...

Migrationsverket oo war kasoo saaray Xaalada Codsiyada Qaxootiga iyo Dadka heesta ogolaanshaha Shaqooyinka

0

Ma jiro sharci ku meelgaar ah oo loo qorsheeyay dadka haysta ogolaanshaha shaqada ee uu saameeyay coronavirus-ka cusub, afayeen u hadlay wasaarada cadaalada Sweden ayaa u sheegay The Local.

Hay’adda laanta socdaalka ayaa sheegtay in guud ahaanba ay sii wadi doonto howsha codsiyada ee qaxootiga wadanka ku sugan iyo kuwa shaqooyinka wadanka ku jooga inta lagu gudajiro dhibaatada coronavirus, iyo in ay goor hore tahay in la sheego in xaaladdu saameyn ku yeelan doonto waqtiga sugitaanka jawaabaha sharciga iyo ogolaanshaha shaqooyinka.

Warbixin ay soo saartay hay’adda laanta socdaalka ayaa si dhow iyo si joogto ah u dabajoogaysa xaalada wadanka ka jirta, taas micnaheedu waxaa weeye inaan had iyo jeer u baahanahay inaan ka fiirsano waxa macquul ah ama aan ku jirin tijaabinta codsiyada ogolaanshaha daganaanshaha, ayaa lagu yiri warbixin ay soo dhigtay boggeeda internetka. taariikhda markii ay aheyd Maarso 26-keeda.

Dhamaan baaritaanada codsiyada ogolaanshiyaha joogitaanka waxay kuxiran yihiin sharciyo ay tahay in hey’adda laanta socdaalka ay raacdo. Sharciyadaan ma tixgalinayaan dhacdooyin hada jiro, xaalad sidan oo kale ah hey’adda laanta socdaalka waxeey wadahadalo la yeelan kartaa sharci dajiyaasha. in sharciga hadda jira uu ku saleysan yahay saameynta faafitaanka coronavirus.

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay Somaliska.com

Xigasho/thelocal

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here