Home Wararka Maanta Norway oo Xukun ku riday Aabe Xaaskiisa 40 jeer ku dhuftay Faas...

Norway oo Xukun ku riday Aabe Xaaskiisa 40 jeer ku dhuftay Faas ilaa ay ka dhimato Caruurna dhaawacay

0
Photo: Gisle Oddstad, VG

Nin 35 sano jir ah ayaa lagu xukumay 19 sano oo xarig ah kadib markii uu xaaskiisa 40 jeer ku dhuftay faas iyo mindiyo. xili Carruurtu ay  goobjoog ka ahaayeen dilka waxayna isku dayeen inay joojiyaan aabaha.

maxkamada racfaanka ee Borgarting ayaa hada ninka ku heshay dambiga dilka ee xaaskiisa, kaas oo ka dhacay guriga reerkooda Christmas-ka 2018 . Wuxuu sidoo kale uu dhaawacay wiilkiisa oo 6 sano jir ah waxaana lagu helay dambi ah inuu si xun ula dhaqmay caruurta.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay dil uu u gaystay wiilkiisa oo 19 jir ah todobaad ka hor, bishii Febraayo 2017. Sida xukunka lagu sheegay, aabaha ayaa kaligiis uga tagay tubada biyaha si uu wiilka u qaraqmo.

Maxkamadda Rafcaanku waxay caddeyneysaa in dilka xaaska lagu fuliyay xaalado gaar ah waxaa lagu sheegay xukunka. Maxkamaddu waxay tilmaamaysaa, waxyaabo ay ka mid yihiin, in lagu soo weeraray gurigeedii – laguna galay rabshad aad u weyn, iyada oo aan helin fursad ay isku difaacdo.

Eedeysanaha ayaa dhowr meelood ka soo qaatay mindiyo, wuuna baxay oo faas ayuu ka soo qaatay banaanka ka hor inta aysan rabshaddu sii socon.

Maxkamadda Rafcaanku waxay kaloo tilmaamtay in baaxadda ballaaran ee dhaawaca iyo sharraxaadda carruurta ee qaylada hooyadeed, ay sawir cad ka bixinayso xanuunka iyo cabsida weyn ee ay tahay inay dareentay.

Xukunka ayaa lagu sheegay in caruurtu ay goob joog ahaayeen wakhti kasta, sidoo kalena ay isku dayeen inay ka hor istaagaan aabaha dilka gaystay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here