Home Wararka Norway Norway oo Xabsi ku Xukuntay Haweeney Gurigeeda gubtay si Lacag uga hesho...

Norway oo Xabsi ku Xukuntay Haweeney Gurigeeda gubtay si Lacag uga hesho Ceymiska

0

Haweeney 50 sano jir ah ayaa ugu danbeyn lagu xukumay Hal Sano oo Xabsi ah kadib markii lagu helay in ay gurigeeda ay gubtay si ay lacag ugu hesho shirkada Ceymiska guriga.

Guriga oo ku yaalla Magaalada Bergen ayuu falkan ka dhacay Sanadkii 2019 markaasi oo Haweeneydan ay Dab qabadsiisay Gurigeeda si ay lacag ugu hesho qeybta ceymiska.

Booliska oo falka baaray ayaa markii hore helay dhacdooyin muujinaya in guriga dabka la qabadsiiyay lakin sheekada ayaa xaqiiq noqotay markii booliska arkeen in guriga lagala baxay badi alaabta muhiimka aheyd ee qoyska.

Nin Saaxiib la ahaa Haweeneyda oo markii hore shaki laga qabay ayaa hada lagu waayay falka looga shaki sanaa.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here