Home Wararka Sweden Sweden oo go’an kasoo saartay Dabaal-dega Ardeyga Qalin jabineysa Sanadkan

Sweden oo go’an kasoo saartay Dabaal-dega Ardeyga Qalin jabineysa Sanadkan

0

Kadib markii la mamnuucay dabaaldega qalin jabinta dugsiga sare sanadkii hore, ardaydu waxay raadinayaan qaabab ay ugu suurta gasho inay ku ciidaan iyagoon ku xadgudbin tilmaamaha caafimaadka ee looga dan leeyahay xakamaynta faafitaanka cudurka Corona.

Dabaaldegga ardayda waa dhaqan sanadle ah oo muhiim u ah Iswiidhan. Ardayda ka qalin jabisa dugsiga sare waxay isugu yimaadaan gawaari waaweyn waddooyinka dhex mushaaxaya. Joojinta xafladaha sanadkii hore ayaa horseeday muran weyn iyo diidmo ardayda lakin sanadkan ayaa isbadal lagu soo kordhiyay.

isbadalka ayaana ah in ardayda loo ogolaado basaska taasi oo sida la tilmaamay lamid ah sida Xafladaha qaar ee maanta la ogolyahay,

Sanadkii la soo dhaafey, Maamulka Gaadiidka Iswiidhan ayaa mamnuucay isticmaalka gawaarida xamuulka dabaaldega sababo la xiriira faafitaanka cudurka. Oo waxay sii waddaa inay mamnuucdo sannadkan. Halka shirkadaha kirada gawaarida ay sheegeen in baahi weyn ay kajirto wadanka oo dhan si loo kireeyo basaska ciida. Magaalooyinka qaarna si buuxda ayaa loo sii ballansaday.

Xaddidaadaha ay Maamulka Caafimaadka Dadweynaha u dejiyeen shirarka gaarka loo leeyahay ayaa khuseeya basaskan , maadaama ugu badnaan 8 qof loo oggol yahay inay isu yimaadaan.

Mamnuucida ay soo rogeen Maamulka Gaadiidka kuma jiraan adeegsiga basaska dabaaldega.

“Waan baarnay basaskan waxaan aragnay inay ku socdaan isla sharciyada khuseeya marka la kireysanayo hoolka xafladaha, ” Lataliyaha Gobolka Andsch Tegnell ayaa u sheegay TT.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here