Dowlada Norway gaar ahaan Qeybta Booliska ayaa soo bandhigay tirada Somalida ee dib looga celiyay Dalka Norway kuwaasi oo gaaraya 192 Qof oo Somali ah.
Tirada la celiyay 11 Qof kamid ah ayaa laga dajiyay Magaalada Muqdisho waxana 5 kamid ah ay Norway iskaga dhiibeen qaab magangalyo doon ah halka tirada kale loo Cuskaday sababo gaar ah.
Booliska ayaa Tirada kale ee soo hartay waxana uu sheegay in Dib loogu celiyay Dalalka Yurub.
Tirada Guud ee Dadka la celshay Sanadkii hore ayaa gaareysa 10,041 Qof waxana lagu celiyay wadamo badan oo caalamka iyadoo liiska uu u qoran yahay sidan.
Sweden 2345 Qof
Somalia 192 Qof
Roomaaniya 1079 Qof
Poland 754 Qof
Lituenia 392 Qof
Suuriya 383 Qof
Germany 362 Qof
Afganistan 267 Qof
Ukraine 265 Qof
Ciraaq 232 Qof
Ruushka 202 Qof