Home Wararka Maanta Norway oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo qabanaya Qof Walbo oo wadanka...

Norway oo soo bandhigtay Sharci Cusub oo qabanaya Qof Walbo oo wadanka galaya

0
Photo Stian Lysberg Solum / NTB

Shir jaraa’id oo maanta ay qabatay Dowlada Norway gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka iyo Hay’ada Caafimaadka ee Dowlada ayaa lagu soo bandhigay Sharci cusub oo waajib looga dhigay qof walba oo wadanka galaya.

Sharciga ayaana la xiriira in Qof walbo oo wadanka norway gala uu iska diiwaangaliyo Dowlada gaar ahaan Warqad uu ku qoranayo macmuulaad ku saabsan Qofkaasi Magaciisa, Goob lagala soo xiriiro iyo Halka uu karantiilka ku galayo Foomka loo yaqaano Skejema.

inta shirka jaraa’id socday Dowlada ayaa sheegtay in Talaabadan looga danleeyahay sidii looga hortagi lahaa xanuunka cusub ee dhawaan ka bilowday caalamka gaar ahaan nuuca laga helay UK iyo in Dadka soo galaya aysan faafin xanuunka.

Norway ayaa sanadkan gudihiisa soo bandhigay diiwaangalinta Qof walbo oo wadanka soo galaya Qaab Casri oo online ah lakin midka hada ayaa noqonaya warqad uu qofka buuxinayo.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here