– Bukaannada waxa loo duuliyey Værnes iyo Oslo, iyo meelo kale, oo ambalaasyada Norway diyaar u ahaayeen in loo qaado cusbitaallo kala duwan, ayuu agaasime waaxeedka Steinar Olsen ku qoray wargayska Adressa.no oo ku saabsan dawooyinka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee agaasinka caafimaadka Norway .
Norway waxa ay ka mid tahay 8 wadan ee soo daad gureeya askarta Ukraine ee dhaawacan iyadoo loo marayo qorshaha Midowga Yurub ee u diyaar garowga madaniga ah (UCPM), sida ay sheegtay wasiirka cadaalada Emilie Enger Mehl (Sp).
– Mas’uuliyiinta Norway waxay u arkaan tabarucaadka nidaamkan inuu yahay hab muhiim ah oo lagu saxayo xaaladda Ukraine. Waxay sidoo kale noqon doontaa calaamad cad in Norway ay sii wadi doonto mas’uuliyadda la wadaaga culeyska caalamiga ah, ayay tiri.