Home Wararka Maanta Norway oo isbadal ku sameysay Xayiraadaha soo galitaanka Wadamada Qaar

Norway oo isbadal ku sameysay Xayiraadaha soo galitaanka Wadamada Qaar

0

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka ee Norway ayaa soo bandhigaysa shuruudaha karantiilka safarka ee dadka ka imanaya Crete iyo jasiiradaha Northern Aegean Islands, iyo Koonfurta Aegean Islands (Giriig), gobollada Waqooyiga Jylland iyo Koonfurta Danmark (Denmark), gobolka Kymmenlaakso (Finland), iyo gobollada Kalmar, Skåne, Södermanland, Uppsala, Västra Götaland, iyo Östergötland (Sweden).

Isla mar ahaantaana, shuruudaha dhammaystirka karantiilka safarka waa laga saarayaa gobolka Waqooyiga Savo (Finland). Isbeddellada ayaa dhaqan galay Todobaadkan bilowgiisa

Karantiilnimada safarka waxa kaliya oo lagu dabaqi doonaa dadka safarka ah ee ka imanaya dalalka gaduudka ku jira kuwaas oo aan haysan shahaado COVID-19 oo sax ah oo la xaqiijin karo.

Carruurta iyo dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 18 jir waa laga dhaafay karantiil safarka, iyada oo aan loo eegin waddanka ay ka yimaadeen. Intaa waxaa dheer, karantiilka safarka waa la soo gaabin karaa dhammaan dadka socotada ah haddii ay keenaan natiijo in Corona laga helay oo ka timid baaritaanka PCR ee la qaaday ugu yaraan 3 maalmood ka dib imaatinka.

Labada todobaad ee ugu danbeeyay Xaalada Corona ee Norway ayaa mar kale saro u kacday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here