Home Wararka Maanta Norway oo 11 Sano ku xukuntay nin dilay Hooyadiis

Norway oo 11 Sano ku xukuntay nin dilay Hooyadiis

0

Waa nin 34 sano jir ah oo sanadkii hore bishii Septemper kudiley hooyadii Byåsen oo katirsan magaalada Trondheim ee dalka Norway.

Ninkan ayaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah iyo in uu lumiyey dhaxalkii. 

Hooyadan ayaa meydkeeda laga helay guri uu wiilkeedan degenaa 9-kii bishii septemper ee 2020. Waxaa sidoo kale lagu helay danbi ah in uu dariishada guriga ay hooyadan degeneed uu jabiyey sidoo kalena guriga albaabka laga soo galo ku kaadiyey sideed maalin kahor dilka. 

Hooyadan iyo wiilka ayaa khilaaf mudo ah ka dhexeeyey isagoo ka guuray gurigii ay wada degenaayeen ayaamo kahor inta uusan gurigiisa kudilin. 

Wiilka ayaa danbiga ogolaanin laakiin sheegay in uu isdifacay kadib markii hooyada guriga utimi in ay wax yeeleyso isaga sida uu sheeganayo.

Xigasho Sommodernmedia

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here