Home News in English Norway: Isbadal lagu Sameeyay Kaarka Wadista Gawaarida

Norway: Isbadal lagu Sameeyay Kaarka Wadista Gawaarida

0
Foto: Statens Vegvesen

Qof kasta oo dalbada shatiga darawalnimada cusub, laga bilaabo 1da Sebtembar, wuxuu heli doonaa mid wata naqshad cusub. Iyadoo kuwa hore lagu badalayo.

– Naqshadaynta liisanka cusub ee darawalnimada waxa ay keenaysaa ilaalin dheeraad ah oo ka dhan ah been-abuurka, waana sahlan tahay in la hubiyo, ayuu war-saxaafadeed ku sheegay injineer sare John Erik Kristiansen oo ka tirsan maamulka waddooyinka ee Norway.

Dhawr walxood oo cusub oo amniga ah ayaa lagu daray shatiyada cusub, sida lambar taxane gaar ah iyo koodka QR.

Dowlada ayaa sababta isbadalka Cusub ku sheegtay in ay kaga hortageyso Qiyaanooyinka lagu sameeyo kaarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here