Home News in English Hadalka Raisal Wasaaraha Sweden ee ”Somalitown” oo Dood abuuray Saida Mooge Hussein...

Hadalka Raisal Wasaaraha Sweden ee ”Somalitown” oo Dood abuuray Saida Mooge Hussein oo Xisbigaasi ka baxday

0

hadalkii dhawaan ay jeedisay Raisal Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa dood ka abuuray dalka sweden waxana durba jira siyaasiyiin ku dhawaaqay inay ka baxeen xisbiga.

Raisal Wasaaraha Sweden ayaa dhawaan sheegtay inaysan dooneynin magaalo gaar u dagto Somali ”SomaliTown” ama kuwa kale sida taliyaani ama wixii lamid ah.

Hadalka kadib waxaa jiray hadal ku aadan in Raisal wasaaraha ay cunsurinimo ku sameeneyso bulsho dhan isla markakana ay tahay hadal laga feecanyahay.

Dood adag ayaa gaartay in Saida Mooge Hussein oo xisbigaasi kasoo gashay dhanka Gotenborg ay ku dhawaaqday inay ka baxeyso xisbiga sababo la xiriira hadalka kasoo baxay Andersson.

“Waxaan rabaa in aan ku booriyo qof kasta oo ka fikiray in uu codkiisa i siiyo doorashada in uusan sameyn Waxaan qof walba ka codsanayaa in uu codkiisa u isticmaalo si uu soo afjaro dadka xun ee bulshada,” ayay ku qortay Facebook.

Saida Hussein Mooge waa Swedish-Somali waxayna caan ku tahay ka qayb qaadashada siyaasada sweden. Waxay xubin ka tahay golaha degmada ee Göteborg waxayna ku jirtaa liiska S-lists ee doorashooyinka degmooyinka iyo baarlamaanka labadaba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here