Home Wararka Maanta Norway: Buuq ka dhashay Telefashinka NRK oo Maalinta Ciida Barnaamij ka sameeyay

Norway: Buuq ka dhashay Telefashinka NRK oo Maalinta Ciida Barnaamij ka sameeyay

1
Foto: Lise Ã…serud

Telefashinka Dowlada Norway ee NRK ayaa barnaamij ka diyaariyay maalinta ciida ee Muslimiinta isagoo ku marti qaaday xubno muslimiin ah oo qaarkood ka shaqeeya Telefashinka.

Maalinta uu Telefashinka soo tabinayay Barmaamijka waxaa ku beegneyd Maalinta kale ee Gaalada ama Masiixiyiinta u dabaal dagaan Ciidooda iyadoo guud ahaan Wadanka uu fasax ku jiray maalinta Awgeed.

Hadaba dhacdadaasi kadib Siyaasiyiin ku jir Xisbiyada wadanka gaar ahaan AP ayaa hada ku doodaya in Telefashinka uu hilmaamay maalinta Masiixiyiinta isla markana uu diirada saaray kaliya Ciida Muslimiinta.

Xildhibaanad ka tirsan Xisbiga AP ayaa barteeda Facebook ku soo qortay in Telefashinka Qaranka uu hilmaamay maalintaan taasi oo ka dhalatay hadal heyn badan iyadoo dad badan ay dood ka abuureen arintan.

Somaliska Oslo

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here