Home Wararka Caalamka Nin lagu Talaalay Wadnaha Hawayaanka Doofaarka oo lagu guuleestay iyo Xaaladiisa oo...

Nin lagu Talaalay Wadnaha Hawayaanka Doofaarka oo lagu guuleestay iyo Xaaladiisa oo indhaha lagu hayo

0

Nin Maraykanka u dhashay oo 57 jir ah ayaa lagu talaalay wadnaha Xayawaan nuuca doofaarka cusbitaalka Jaamacadda Maryland Medical Center ee magaalada Baltimore saddex maalmood ka hor, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waa markii ugu horreysay oo dhakhaatiirta qalliinka ay ku guulaysteen inay xubno ka mid ah xayawaannada ku beeraan bani’aadamka.

Qaliinka ayaa ahaa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu badbaadinayo naftiisa maadaama uu heli waayay wadnaha bini’aadamka.

Wali waa goor hore in la sheego in qaliinku uu naftiisa badbaadin doono iyo in kale, laakiin halkan saddex maalmood ka dib, wadnaha ninkan uu shaqeynayo.

Hawlgalkan ayaa ah mid mudo dheer la sugayay madama dad badan ay dhibaato ku qabaan dhanka wadnaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here