Home News in English Dowlada Sweden oo Soo bandhigtay Fursad ay helayaan Dadka Shaqeeya

Dowlada Sweden oo Soo bandhigtay Fursad ay helayaan Dadka Shaqeeya

0
Foto: Paul Wennerholm / TT

Dowlada Sweden ayaa maanta Ansixisay in Dadka shaqeeya gaar ahaan Ardayda loo ogolyahay helitaanka Lacagta shaqada oo lagu daray lacagta Waxbarashada.

Hadii qofka uu Shaqeeyo caadiyan waxaa laga jaraa lacagta kaalmada ee CSN lakin sida ay shaacisay Wasiirada Waxbarashada Anna Ekstrom waxaa ardayga loo ogolyahay helitaanka lacagta waxbarashada.

Sida Wasiirada ay shaacisay go’anka ayaa ah mid ardayda loogu ogolyahay inay ka shaqeeyaan Xaruumaha Caafimaadka iyadoo dhanka kale helaya lacagta waxbarashada.

Tusaale hadii Ardayga uu goobta Shaqada ka helo 18,000 kr waxa loo ogolyahay inuu qaato lacagta CSN-ta taasi oo ah go’anka Dowlada ee maanta ku dhawaaqday.

Shirka jaraa’id ee Wasiirada ayaa imaanaya iyadoo shalay lagu dhawaaqay Xayiraado cusub oo saameyn ku yeelanaya dadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here