Home Wararka Caalamka Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka

Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka

0

Booliska Boulder ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay toban qof geeriyoodeen kaddib markii nin hubeysani uu rasaas oodda kaga qaaday xilli ay ka dukaamaysanayeen goob ganacsi oo ku taalla gobolka Colrado.

Dadka goobtaasi ku geeriyooday ayaa la sheegay in uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dalkaas.

Weerarka kaddib booliska ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha.

Laba saacadood weerarka kaddi booliska ayaa dadweynaha ugu baaqay in aysan baraha bulshada ku baahinin muuqaallada qaar.

Ciidamada booliska ayaan illaa iyo iminka wax faahfaahin ah ka bixinin weerarkan sidoo kalena ninka falkan geystay uu soo gaaray. dhaawac halis ah.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Baiden uu si dhow ula socdo dhacdada Colorado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here