Labada qof ayaa lagu dilay barkadda hoteel ku yaalla magaalada Nevsehir oo qiyaastii 28 mayl koonfur bari ka xigta caasimadda Ankara.
Nin Danish ah oo 53 jir ah ayaa Axadii loo xiray dilka, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga. Waxaa la sheegay in uu mindi ku dhuftay gabadhiisa iyo xaaskiisii hore kadib markii uu ku guuleystay in la soo qabto xilli ay fasax ku joogeen Nevsehir.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Demirören, xaaskii hore iyo gabadheeda oo toddoba jir ah ayaa iyaguna ku noolaa dalka Denmark. Ninkan ayaa la sheegay in markii hore uu ka baxsaday Hotelka, balse markii dambe uu wacay oo uu ku wargeliyay Booliska.
Qoyska marxuumka ayaa dhacdada u xaqiijiyay Ekstra Bladet , laakiin ma rabaan inay faallo dheeraad ah ka bixiyaan. Ninkan ayaa la sheegay in uu bartiisa Facebook-ga kaga hadlay dilalkaasi, waxaana uu muujiyay in uusan ka shallayn.
Wasaaradda arrimaha debedda deenishka may xaqiijin fiidnimadii Axadda, inay dad deenish ahi ku lug leeyihiin kiiska dilka ah ee Turkiga.