Mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacay dalal badan oo Yurub ah kuna Saabsan Xayiraadaha Corona

Foto: Lisa Leutner/AP

Bannaanbax looga soo horjeedo xannibaadaha cusub ee wadamada Qaar ayaa xalay ka dhacay dalal badan oo Yurub ah.

Dalalka Switzerland, Croatia, Italy, Austria iyo Netherlands, iyo kuwo kale, ayay dadku isugu soo baxeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Xayiraadaha.

Dalka Netherland, waxay ahayd habeenkii labaad oo xidhiidh ah oo mudaaharaadyo la sameeyo, waxaanay rabshado ka dhaceen, tusaale ahaan, magaalada The Hague oo la sheegay in mudaaharaadayaashu ay dhagaxaan ku tuureen Booliska.

Xaalada Corona ee Wadamada Qaar ayaa hada dib u soo laabatay waxana laga cabsi qabaa in Xayiraadaha dib loogu soo celiyo wadamada Yurub badankooda.

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*