Home Wararka Maanta Moderatern oo doonaya in la adkeeyo Ciqaabta kuwa geesta Dambiyada

Moderatern oo doonaya in la adkeeyo Ciqaabta kuwa geesta Dambiyada

0
Foto/TT

Xaalada Sweden ayaa ka sii dareysa tan iyo markii ay dilalka ku sii bateen Wadanka waxana dhawaan dhacay dilkii ugu Argagaxa badnaa markaasi oo la dilay fanaanka Einar.

Xisbiga Moderatern oo ah xisbiga labaad ee ugu weyn ayaa yeeshay kulan ku aadan  siyaasadooda waxayna soo saareen Qodobo badan.

Qodobada waxaa kamid ah kuwa lagu adkeenayo Dadka geesta Dambiyada iyagoo aaminsan in Dad badan u Codeyn doonaan marka la gaaro bisha Semtember ee Sanadkan danbe.

Siyasadooda Cusub waxaa kamid ah in Dhaliyarada u dhaxeysa 15 ilaa 17 sano jirka in la dhigo Xabsi marka lagu helo dambi xabsigaasi oo noqonaya mid u gaar ah dhaliyarada.

Hogaamiyaha xisbiga Ulf Kristersson ayaa rajaynaya in xisbiga Moderaterna uu ka mid noqdo dowlada doorashada kadib.
Waxay rabaan inay si wada jir ah ula shaqeeyaan Kristdemokraterna. iyagoo taageero ka rabaan xisbiyada Libaraalka iyo Sverigedemokraterna.

Ulf Kristersson ayaa sheegay in uusan dooneyn in xisbiga Sverigedemokraterna uu ka mid noqdo dowladda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here