Home Wararka Caalamka Germalka iyo Wadamada Yurub ee kale oo ka jawaabay Go’anka Dowlada Turkiga

Germalka iyo Wadamada Yurub ee kale oo ka jawaabay Go’anka Dowlada Turkiga

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Dalka Turkiga Ayaa dhawaan amray in uu eryidoono 10 Dal oo Yurub ah oo uu ku jiro Dalka Germalka iyadoo ay sabab u tahay markii ay codsadeen siideynta Ganacsade Turkiga ah oo la xiray.

Germalka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxana uu sheegay in uu Bilaabayo la tashi ku aadan xaalada uu la yeelanayo 9 dal ee kale kuwaasi oo Safiiradooda la eryidoono.

Wadamada ayaa Turkiga u qoray Warqad ay ku dalbanayaan siideyn Osman Kavala oo ah Ganacsade u dhashay Dalka Turkiga.

Ganacsadahan ayaa lagu heestaa dambiyo kala duwan sida in uu ka danbeeyay afganbigii dalkaasi ka dhacay sanadkii 2016, lacago la dhaqay iyo arimo kale.

Wadamada badan sida Norway iyo Sweden ayaa sheegay in aysan wali helin go’ano la xiriira codsiga Dowlada Turkiga iyo Go’anada cusub ay soo saartay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here