Home Wararka Caalamka Mobilada oo laga Mamnuucayo Iskuulada Hoose iyo Dhexe ee Sweden

Mobilada oo laga Mamnuucayo Iskuulada Hoose iyo Dhexe ee Sweden

0

Waxaa la filayaa in dugsiyada hoose/dhexe ee dalkan Iswiidhan ay gebi ahaanba Mamnuucaan aaladaha mobilada ee ardayda sida ku cad soo jeedinta xisbiyada dowladda ee heshiiska TDO.

Marka loo eego soo jeedinta, xitaa xilliga nasashada, ardayda fasallada 1 ilaa 9 waa in ay dhiibaan taleefankooda ka hor intaysan gelin dugsiga.

Waa tallaabo hore loogu qaaday ee isbeddelada muhiimka ah, ayuu yidhi hoggaamiyaha xisbiga Libaraalka, Johan Pershon, wasiirka shaqada iyo isdhexgalka.

Dowladda iyo xisbiga Sverigedemokraterna waxay isku raaceen in dugsiyada hoose/dhexe ay noqdaan kuwo ka madax bannaan taleefannada gacanta. Tani waa in ay noqotaa halbeega Iswiidhan oo dhan sida ay dowladdu qabto.

Mamnuucidda moobilka ayaa dhaqan geli doonta sida ugu dhaqsaha badan, laakiin soo jeedintu waxay qaadan doontaa sanad ama wax ka badan in la diyaariyo.

Xigasho : www.svt.s

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here