Home Wararka Caalamka Migrationverket: Codsiga sharciga degenaanshaha wuu u furan yahay muwaadiniinta Ingiriiska

Migrationverket: Codsiga sharciga degenaanshaha wuu u furan yahay muwaadiniinta Ingiriiska

0

Sida ay shaacisay Hay’ada Migrationsverket Laga bilaabo 1 Diseembar oo laga joogo shan maalin, muwaadiniinta Ingiriiska iyo xubnaha qoysaskooda waxay dalban karaan deganaansho gudaha wadanka Sweden.

Aqoonsiga deganaanshuhu waa qaab cusub oo xaq loogu leeyahay Iswiidhan, taas oo u suurta gelinaysa muwaadiniinta Ingiriiska iyo xubnaha qoysaskooda inay ku sii noolaadaan, ka shaqeeyaan oo wax ka bartaan halkan ka dib dhammaadka xilliga kala-guurka, oo ah laga bilaabo 1-da Janaayo 2021 iyo wixii ka dambeeya .

Shuruudda lagu helayo sharciga deggenaanshuhu waa in codsaduhu ku nool yahay Iswiidhan si waafaqsan sharciga Midowga Yurub ka hor dhammaadka xilliga ku-meelgaarka, laakiin waxaa jira fursado ay carruurta iyo ehelka dhow ugu soo biiri karaan qoyskooda goor dambe hadii ay ku noolyihiin wadanka ingariiska.

Muddada dalabku waxay ku egtahay 30 Sebtember 2021.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrationsverket

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here