Home Wararka Denmark Denmark oo soo bandhigtay Lacagta ay u qoondeesay Qaxootiga sanadka Danbe

Denmark oo soo bandhigtay Lacagta ay u qoondeesay Qaxootiga sanadka Danbe

1

sanadka soo socda, Denmark waxay fursad u heli doontaa inay qaabisho ilaa 500  oo qoxooti ah, sida ku xusan sharciga maaliyadeed ee 2021 .

40 milyan oo koron ayaa loo qoondeeyay, laakiin dhinacyada heshiisku kuma heshiin dhab ahaan tirada qaxootiga ah ee la qaabilayo.

Heshiiska ayaa ah in dowlada bartamaha sanadka 2021 ay UN-ka u sheegto sida iyo ilaa heerka ay Denmark kaqeyb galeyso barnaamijka qoondada qaxootiga.

Dalalka Yurub ayaa sanadkasta waxay Qaxooti kasoo qaataan wadamada Caalamka gaar ahaan Africa kuwaasi oo dib u dajin loo sameeyo Denmark ayaana qeyb ka ah.

Qaxootiga la filayay sanadkan ayaanan soo gaarin Yurub taasi ayaana keeni karta in wado badan oo yurub ay Qaxooti badan kasoo qaataan dhanka UN-ka.

Somaliska Copenhagen

Xigasho/DK

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here