Home Wararka Caalamka Meydka Labo Qof oo laga Helay Stockholm Saacad Gudahood

Meydka Labo Qof oo laga Helay Stockholm Saacad Gudahood

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Booliska Sweden ayaa xaqiijiyay in dad lugeynayay ay saaka oo Sabti ah ka heleen labo qof meyd labo goobood oo kala duwan oo ku yaala Stockholm.

Magaalada Bajarmossen ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa sagaalkii subaxnimo dad wadada marayey waxay ka heleen qof meyd ah meel u dhow dhismo la deggan yahay. Maaddaama aysan caddayn sababta dhimashadu, booliisku waxay fureen baaritaan dil ah, kaas oo ah nidaam caadi ah kiisaskan oo kale.

Tobankii subaxnimo ayaa dad marayey xaafadda Fraskati ee waqooyiga Stockholm waxay sidoo kale heleen meydka qof, waxaana booliisku ay fureen baaritaan dil ah maadaama aan la ogeyn sababta dhimashada.

Booliisku ma aysan shaacin cidda ay yihiin labada qof ee la dilay iyo sidoo kale sababta dhimashada, balse afhayeen u hadashay ayaa xaqiijisay inay eegayaan xiriirka ka dhexeeya labada dhacdo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here