Home Wararka Caalamka Israa’iil iyo qorshaha dagaalka ee sanadkan 2024-ka

Israa’iil iyo qorshaha dagaalka ee sanadkan 2024-ka

0
Foto: Maya Alleruzzo / AP / NTB

Farriinta sanadka cusub ee Israa’iil, afhayeenka ciidamada difaaca Israa’iil ee loosoo gaabiyo IDF ayaa waxa uu sheegay in la habeynayo ciidamada la geynayo furimaha si loogu diyaar garoobo “dagaal daba dheeraada”.

Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada qaar, gaar ahaan kuwa kaydka ah la soo saari doono si loogu ogolaado in ay dib isugu abaabulaan.

Arrintan waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo qorsheynta iyo u diyaargarowga sii wadida dagaalka 2024,” ayuu yiri.

“IDF waa in ay sii qorsheysaa iyadoo la fahamsan yahay in ay jiri doonaan howlgalo dheeri ah, dagaalkuna uu sii socon doono sanadkan cusub.”

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamada kaydka ay ka bixi doonaan Qasa “sida ugu dhakhsaha badan toddobaadkan” si ay ugu oggolaadaan in ay dib ugu diyaar garoobaan ka hor hawlgallada soo socda”.

Ilaa 21,978 oo qof oo u badan haween iyo carruur, ayaa lagu dilay Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Waxay sidoo kale ay wasaaraddu sheegtay in 56,697 qof oo Qasa ku suganaa la dhaawacay isla muddadaas.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxa ka dhashay weerar aan hore loo arag oo xudduudaha ka tallaabay oo rag hubaysan oo Xamaas ah ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, kaas oo lagu dilay 1,200 oo qof oo u badnaa rayid iyo ilaa 240 kalana la qafaashay.

Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ku hayso Qasa ilaa dhammaadka sannadka.

IDF waxa ay sheegtay in ay dishay taliye sare oo Xamaas ah oo ku lug lahaa weerarkii 7-dii October, laguna magacaabo Caadil Mismah, kadib weerar ay habeen hore ka fuliyeen magaalada Deir al-Balah.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 48 ay ku dhinteen duqeyn habeen hore ka dhacday magaalada Qasa. Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in weerar kale lagu dilay 20 qof oo gabaad ka dhiganayay jaamacadda Al-Aqsa ee galbeedka magaalada.

Weerar kale oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 10 qof xerada qaxootiga ee al-Maghazi.

BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso warbixinadii ugu dambeeyay ee goobta dagaalka.

Mid ka mid ah dadka deggan waqooyiga Qasa ee u barakacay koonfurta deegaanka go’doonsan ayaa iftiimiyay farqiga u dhexeeya dabaaldegyada sannadka cusub ee adduunka iyo xaaladda Qasa.

“Caawa cirka wadamada aduunka waxaa shidi doona bulaleyr, qosol farxadeed ayaa hawada buuxin doona,” Zainab Khalil, oo 57 jir ah, ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters Axadii.

“Magaalada Qasa waxaa hadda cirkeenna ka buuxsamay gantaallada Israa’iil iyo madaafiicda taangiyada ee ku dhacaya dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo hoy la’aan ah.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 85% dadka 2.4 milyan ee Qasa ku nool ku dhawaad laba milyan ay hadda barakaceen.

Kumannaan qaybood oo tallaal ah oo ka dhan ah cudurrada carruurta, oo ay ku jiraan dabaysha iyo jadeecada, ayaa la gaarsiiyay Qasa, si ay gacan uga geystaan wax ka qabashada xaaladda deg-degga ah ee sii kordheysa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isagoo ka hadlayay Rafaax, Ayadil Saparbekov oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa BBC-da u sheegay in tallaallada ay muhiim u yihiin xaaladaha ay ku nool yihiin dadka reer Qasa.

“Kumanaan dad ah ayaa ku wada nool xeryo ciriiri ah oo ay ka jirto xaalad biyo oo aad u liidata, nadaafad xumo, kuwaas oo dhamaantood ah dhul ay ku tarmaan cuduro kala duwan,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in “dagaalku uu marayo heerkii ugu sarreeyay”.

“Waxaan ka dagaalamaynaa dhinac walba,” ayuu yiri. “Waxaan gaarnay guulo waaweyn laakiin waxaan sidoo kale heysanaa kiisas xanuun badan, gaarista guusha waxay u baahan doontaa waqti.

“Sida uu sheegay madaxa ciidamada, dagaalku wuu sii socon doonaa bilo kale oo badan.”

Wasiirka maaliyadda ee midigta fog ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa ugu baaqay Falastiiniyiinta inay ka baxaan Qasa oo ay u baneeyaan Israa’iiliyiinta “ka dhigi kara saxaraha ubaxa”.

Seeriga duullaanka cirka ayaa ka dhawaajiyay Tel Aviv iyo koonfurta Israa’iil sidii la arkay sanadka cusub, iyadoo nidaamka difaaca gantaallada ee Israa’iil ay ka hortagayaan gantaallada laga soo tuuray Qasa, AFP ayaa sheegtay.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa Tel Aviv oo u dabaaldegayay sanadka cusub isaga iyo asxaabtiisa ayaa yiri: “Waan argagaxay, sidii markii ugu horeysay ee aan arko gantaallada, waa wax laga naxo.”

Garabka militariga Xamaas ee Ezzedine al-Qassam Brigades, ayaa muuqaal ay soo dhigeen baraha bulshada ku sheegay inay fuliyeen labada weerar

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here